Saamaynta Baraha bulshada
Wakhtigu waa wax aan soo noqon haduu ku dhaafo, wakhtigu waa waxa ugu fudud eenad dareemin goor uu ku dhaafay iyo wuxuu kugu dhaafay waliba wakhtigaaga aanad wax anfac leh ku qaban. Wakhtigaasi hadaanad sida ugu haboon uga faa’idaysan waxaad ka qamoomayn mar u ku dhaafay uun.
Wakhtigu waa waxay dadku ku kala horemareen waa wakhtiga iyo kolba siday uga faa’idaysteen eey u kala maareeyaan.
Hadaba wakhtigaas sidaas u qaaliga ah baynu ku qaadana inaynu ku lumino waxaan if iyo aakhiro toona anfac inoo lahayn ooy ugu horayso baraha bulshadu ku kulanto ood moodo inay badashay maqaaxiyihii iyo qolqoladii la fadhiisan jiray ee sheekada gawdaa lagu hayn jiray, si hadii loo eego qolqolkii jaarka iskugu imanayeen ee la iska war hayay iyo dadkii jaarka isku xidhnaa ba meeshii ka baxay oo maanta dhalintii jaarkee istaaqanay iyo dadkii isku xidhnaa way sii yaraanaysa sidoo kale maqaaxidii qofkii u baxayay ee in uun hawo gadis iyo jimicsi ba u ahayd tanaa badashay oo in badani halkay saaka ka tooseen gabalku ugu dhacayo inta kalena iyagoo gacmaha kaga silsiladaysan aaladaha la isticmaalo magaalada dhex socdaan iyagoo wax badan seegaya sida dabeecadaa iyo jawiga kolba sida uu yahay. Daawashada dabeecada badanka waxay keentaa inuu qofku ku nafiso naftuna ku degto taasi waxa ka sii daran iyagoo naftooda halis galin kara ama lugtiisa ha maalo ama gaadiidba ha watee madaama uu qofkii foiraro oon hortiisa iyo hareertiisa toona ka war hayn wax ka dhacaya. Runtii baraha bulshada eeynu u wada silsiladaysanahay ee ah jeel aan cidi inoo ogayn waxaa aad u yar wax ala wax faa’ido ah oo inooga soo korodha inagoo maanta dhan ku mashquulsan hebel muxuu soo dhigay iyo sawir kay heblaayo soo dhigatay intaasi waxaad dhex wareegaysaa dad wax iska qoraya uun wax sinaba anfac u lahayn waanay yar tahay inta baraha bulshada soo dhiga wax hagaagsan oo anfac leh

Saamaynta ay leedahay wakhtiga badan ee baraha bulshada aad galisaa waxa ka mid ah dib u dhac nafeed, xanuun nafsaani ah iyo mid jidhba. Saamaynta waxa ka mid ah inaad aragtid dadkaad asxaabta la ahayd ama bahwadaagta ka ahaydeen ay horumareen oo qaar kooda shaqo cusub heleen qaar kalena reero samaysteen mid kale gaadhi iibsaday midi guri dhistay taasi oo keenaysa inaad is babardhigtid qofkii markaasaad isku arkaysaa qof aan waxba haysan waxaana aad u suuro gal ah inay kuu keento niyad jab ood nolosha ka dhacdid sidaad u eegaysid qof kale noloshii halkii aad taada horemarin lahayn ood wakhtigaaga naftaada wax ugu qaban lahayd. Waxa la ogaaday in dad badan oo noloshooda ku soo bandhiga bataha bulshada aanay faraxsanayn oo usoo dhigaan ha lagu arko inaad faraxsan tahay itagoo noloshooda xaqiiqadeefa kaga baxsanaya baraha bulshaday sawirka ama dareemo aan run ahayn kula wadaagayaan dadka, waxa laga yaaba inaad haysato wax aanay haysan kuwaa aad arkaysaa sida usoi dhigaya noloshooda quruxda badan, inaad farxad dhab ah haysato iyo qoys ku jecel si walba haday usoo qoraan qoyskayga aanu is jecel nahay iyo waan faraxsanahayba ay ka tahay uun wax afka baarkiisa ah waxaana dhabtii la ogaaday dadka noloshooda gaarka ah iyo waxaku soo kordha mar walba la wadaaga yihiin qaar aan runtii noloshooda ku qanacsanayn ama wax tabaya oo dadka kalena uun doonaya inay tusaan. Dadkaasina waa dad ka hela isku qanacsanaanta naftooda in dadku yidhaahdaan hebel ama heblaayo waa sidaa.
Ugu danbayntii waxa haboon inaad iska yarayso wakhtiga kaa galaya ood tabo iyo habab aad naftaada ku horemariso isku daydo sida barashada luuqad cusub, xirfado cusub iyo siyaabo kaloo badanba.

ant insect
ReplyDelete