Dumar waxba looma ogola

Dumarka Soomaaliyeed nasiib daranaa
Waa subax qurux badan bilaha dhulku dhaxanta yahay, waa subax aan u baxay waxaan caadada sameeyo ahayn waa subax aan is badal iyo hawl aan hore u qaban galay Subaxa waxaan raacay gaadiidka guud ee bulshada u adeega anoo u dan leh xaafad ka fog ta aan degan ahay, waxaan sii socona ba waxa la soo gaadhay meel dan guud ah (sariibad) oo qof wadani ah dhisay si dadkiisu uga anfaac sadaan waliba ruux dumar ahi dhistay, dhismuhu wali wuu socdaa qacdii kowaad ee lagu soo baxay ba waa la iswaydiiyay horta meeshan yaa dhisay, dhulka yaa lahaa hooyo halkaa fadhiday baa tiri islaan baa leh . fajac wixii rag la socday gaadiidka yaa ku teh tii oonu ka aamusnay waxaabay noogu dareen oo yaa siiyay naagta dhulka iyo kharashkaba saw rag uun malaha ama ninkeeda ama inankeeda ha ugu dhawaade, fajac amakaag yaab ayaa I dilay hadal ba iga soo bixi waa oo miyuu u quudhi laayahay haday shaqaysteena dumarku oonay adiga wax kaa qaadina waxna kaa dhicin , Hada ka sidaa leh wuxuu u sansaan iyo muuaalba eeg yahay qof aqoon leh, raga soomaaliyeed waxa aan xaqiiqsaday in aanay waxbaba dumar soomaaliyeed u ogolayn.
Halkay ku arkeen dumar aan waxtar lahayn waliba dumar soomaaliyeed, waa ayo kuwa hadh iyo habeen u hawlan  waliba naftooda u xoogsanayn ee  soo saaraan dad aqoon leh ha ahaadaan caruurteeda ama walaalaheed ama ba qaar ka sii fog.
Waaga oon dillaacin dhulkuna dam yahay booda ee sii jeexa jararka iyo laagaha mugdiga ah eed maalinta cad inaad martid naftu ka argagaxayso een waxna iyadoon jidiinkeeda ka dagin halistaas sii marta ee hadana ku soo saarta jiilal  dhan ee bacaadka duhurkii ka hadhsan, maalin kaliya nasan.  Waxaasi ay u ordaysa haduu wax wayn yahay ciil lama qabeen waxay u ordaysaa kol ay xabuub yar tahay ama afar maro oo shied ah ama ba balaayo cuntay jaad dhexdii ee afar waraabe dhex dhinteen oo kan manta kala baxsanayo kii daraad isii iyo waxaan dhamaanayn igu lahaw iyo baraan bixin ku jirto hadana juuq iyo jabayeey toona lahayn haduu jeex bakhtiyona oo naftu ka sii socoto maalin joogsan habeen kaliyana hurdo macaan jiibsan oo warwar iyo walaac ku hoyata kuna soo toosta ayaa waliba cay, aflagaado aan dhamaanayn iyo xumaan oo dhan dusha laga saaraya hada waxaasi lagu caayaya waa waxay dani baday markay ragii xilkii gabeen. Maxay ku mutaysatay waa kaase way idin dhaleen idin la dhasheen idiin dhaxeen intaana hormarkiina uun u socdaan, idiin heelan markaas buu afka ku waaxaya oo isla quman yahay naagihii baa dhulka rogay.  Halkay ku yeelatay iyo halkay iyadu wax ku haystaa, tolow waxaa dumar hiirta ordayaa ee magaalada iyagoo hurda u xoogsi taga waa ayo sidaasay reero dhan ku hayaan oo dayac tiraan , haday naftooda u socon lahaayeen hantidoodana meel dhigan lahaayeen khasnadahaa jabi lahaa oo dalkay jeex yeelan lahaayeen. Isagoo maydhan baa lagu koriyay oo lagu kaaba hadaan la korina kol ay hooyadii tahay walaashi tahay ama xaaskiisa tahay, afkuu ku hadla naagtu yasayo inay isaga korisay ma iloobay waar ordoo inaadeerayaal intaydaan dumar caayin bal dib u yara fiirsada noloshiina intaad afarta maqaaxiyood naag naag ka leedahay, raga soomaaliyeed aduunka kale ragoodu in uun bay idin dhamaan. Hawl wal oo adag bal eeg dumar baa hayee waxa ay u babac dhigtay eey isku qaaday waa calool adayg uun iyo beri baad nasan ee cay iyo canaan ba u jeediya ka xilkaas gabay.

Taasa markay gabdho xafiis ka shaqaynaya arkaan isku boox booxaan xafiisyadii baad rogteen ragii baad ka qaadeen shaqadoodi naa ordoo guryihiina fadhiista oo ma shaqada hawsha yar baanu ka fadhiisanaa mise maskaxda ayaad diidaysaan inay shaqayso, markaasay ku odhanayaan waa shaqo rag, waa yahay haday tahay kuwa hiirta kaca ee dhulka madaw socda ka naxa oo fadhiisiya, kana soo baxa xilkiina  idinkaa gabayee.

Comments

Popular Posts