Koriimo xun ilmo kadeed badan bay keentaa


Barbaarinta ubadku waa wax aad u qiimo badan bulshadana u ah hanti waayo ilmaha si fiican loo barbaariyaa wuxuu noqonayaa qof toosan oo bulshadiisa wax ku soo kordhiya hadaanu waxbana soo kordhina qof aan dhibaato gaysan sida dhaca, boobka, dilka ay ku kacaan dhalinyarta soo koraysaa taasi oo hadhawna qofka ku noqota wax uu ku sii koro oo uu ku noqdo tuug ama ba qof xun oo bulshada dhibaato ula jooga. Sidaasi darteed waa in ilmihii lagu koriyaa tarbiyad toosan oo saxa iyo qaladka ilmuhu kala saari karo. Bulshadeena soomaaliyeed waxa aad ugu badan dhalinyarta qalalaasaha badan kuwaasi oo si badheedh iyo ula kac ah xumaanta u caadaysta samaynteeda waxaana keenaysa ilmihii markuu yaraa loo kala sheegin wixii xumaa iyo  wixii samaa bal waxaad arkaysaa hooyo ilmaheeda ku leh waar nacas yahow iska celi inanka/inanta yar ee qayrkaa ah, hada waa hooyo waana tii iyadu macalinka koowaad ilmaheeda u ahayd waxay baraysa inuu wax dhaco wax dilo wax walbana xoog ku qaado. Ilmaha wax iska celi marka la idhaa wuxuu qaadaya colaad iyo cuqdad uu ku koro kuna keenta inta uu nool yahayba inuu ku socdo, hadhow markuu waynaadona waa tuu ilmuhu dhibka u gaysanayo ee xataa ku kalifi karta inuu naf ku gooyo siduu isku leeyahay wax iska celi, runtii waa wax murugo i galisa waa wax aan maalin walba arko ilma soomaali ah oon hadalkaas lagu odhana maba jiro, Waalidku markuu ilmihiisu koro wuxuu ka ooya dhibka uu sameeyo mana islaha ba inuu isagu ku abuuray waxan ilmaha sidan u galay uu ugu dhaqmayo waxashnimo iyo inaanu u ogolaan waxba, waayo walaalnimo iyo wanaag waxa ay yihiinba waligiiba ma maqal, intii uu jilicsana ee uu ahaa geedka yaree la leexin karayo wuu dhaafayaa waxaanu ku shaqaynayaa wixii lagu shubay intuu yaraa, ma xuma inaad ilmahagaa barto inuu wax iska celiyo oo uu barto sida uu uga hor tagi lahaa ilmo u cagojuglaynaya iyo in aanu u dul qaadan ilmuhu inu uu qof u duloobo ama la quudhsiyo ama la yaso waayo taasi waxay dhisaysa qofnimadiisa se tan kale ilmaha waxay ka yeelaysa xayawaan dad cun ah oo xidhan huga dadka. Hadaba waalidka inta uu ilmahiisu yar yahay aan leexin oon jihada saxda ah tusin hadhow ayuu ka qoomameeya waxa uu gaysto ooy isaga dib ugu noqotaa dhibkaasi, waxaana weeyi aad looga fiirsado ilmaha waxa lagula dhaqmayo iyo erayada lagu odhanayoba. 

Comments

Popular Posts