Ramadaan
Ramadaan kariim
Waxaan idinla wadaagi doona talooyin ku saabsan cunada
haboon ee bisha Ramadan ay tahay inaad qaadato iyo talooyinka caafimaad ee la
xidhiidha cunada wixii alleh inooga suurto galiyo. Waxaynu cunaa wuxuu toos u saameeya
caafimaadkeena. Caafimaadku waa nimco Illaahay (sw) ina siiyay ina farayna in
aan ilaalino sida ku xusan xadiiskii rasuulka ee ahaa ka
faa’idayso shan inta aanay shan ku soo gaadhin “wakhtigaaga ka faa’idayso inta
aanad mashquulin, dhalinyarnimda ka faa’idayso gabowga ka hor, hantidaada ka
faa’idayso faqiirnimo ka hor caafimaadka ka faa’idayso xanuunka ka hor,
noloshaadana ka faa’idayso geerida ka hor”.
Cunadu waxay u saamaysaa caafimaadka qofka kolba xadiga iyo
nooca uu ka qaato oo hadii uu badsado cuno
gaar ah ay ku keenayso in aanu helin nafaqo isku dheelitiran sidoo kale kala
duwanaansho jirayn oo qofka marka ay cuno nooc kaliya ah ku soo noqnoqoto
uu nacayo oo khaati ba ka istaagayo.
Haddaba maxaynu bisha Ramadaan diiradda u saareynaa?
Bishan barakeysan ee Ramadaan waa bil wadata caafimaad balse
haddii aanad sida ay tahay u ilaalin waxay noqon kartaa inaad cudur sababtaada
ah isla doonato. Bal hadaba halkan fiirsasho ka yeelo.
Bisha ramadaana waxa aad cunaysaa waa in aanu noqon cuno saamayn
xun kugu yeelata oo calooshii maantoo dhan soo gaajoonaysay maaha inaad ku
ridid cuno aan ku haboonayn sida inaad ku afurto cuno saliid badan leh
halka cunada qaarna ay tahayba inaad iska ba dayso ama yaraysato qaadashadeeda.
Bisha ramadaan caloosha iyo jidhkaba waxa ka baxaysa wax ala wixii
sun jidhka ku jirtay taasi oo afka ingiriisida lagu yidhaa detoxification oo
faa’iidada soonka ka mid ah haddaba adoo soonka uga faa’iidaysan lahaa si
uu caafimaadkaagu u kordho hadaad hab qaldan ama xili qaldan cuno aan haboonayn
qaadato waxay keenaysaa in caafimaadkaagu daciifo.
Bisha ramadaan dadka badankiisu wuu wada cabanayaa xanuuna badan
ayaa na ku wada kaca ay u horeeyaan caloosha sida dibiro saa’id ah, laab
dilaac/jeex, gastric, dhiig kar, macaan,iyo awood la’aan. Cabashadaas
badan ee dhanka caafimaadka ah dabcan may ahayn inay timaado madaama soonku
caafimaad yahay. Balse waxa sal u ah amaba keenayaa waa cuno xumo oo
badanka cibaadada ka hor istaaga ama cibaadadii ku adkaato. Hadaba taasi waxaad
kaga hor tagi kartaa adigoo cunooyinka qaar iska ilaaliya ama yaraysta
adiga oon wax aanay calooshaadu qaadi kareyna aan isku qasbin. Wax yar oo
kooban baa kugu filan inaad cunto oo nafaqadii loo baahna ay ku jirto tamar
badana leh.
Shantan
qaybood waa cunada aad iska ilaalinayso iska daysay ama ba yaraysataye.
1.
Cunada la habeeyay (processed foods): sida kalluunka qasacadeysan, digirta qasacadeysan IWM
Cunada aad cunaysaa waa inay ahaato mid aan aad loo habayn waayo
cuntada la habeeya way ka nafaqo yar tahay cunada dabiiciga ah, waxaanay
leedahay cuntada la habeeyay badanka dux badan taasi oo keenaysa inay jidhka
hore uga baxdo cuntadii ooy duxdii ku hadho uun calooshi qofkiiina hore u
dareemayo gaajo iyo daalba hadaba ramadaanta ka fiirso cunada la habeeyay madaama
aanay jidhkii ba ku joogayn. Cunada la habeeyay waxaa ku badan uun tamarta laga
helo halka cunada isku dhan nafaqadu ku badan tahay. Cunada la habeeyay
waxa ku jira kimikooyin cunada loogu tala galay ooy ka mid yihiin midabo iyo
dhadhan aan dabiici ahayn , maado wax lagu dhawro oo ka ilaalisa cunadu
inay xumaato, sunta cayayaanka, hormoono, iyo daawoyinka antibiotics.Sidaasi
darteed waa inaad cunada la habeeyay iska ilaalisa.
2. Cunada saliida ku badan
tahay kuwa in badan la shiilo: sida saanbuusaha, qureecyada IWM. Cunada la
shiila way macaan tahay oo waynu wada jecelnahay se hubaal caafimaadkay u xun
tahay, sababtuna waxa weeye waa cuno la cadaabey oo dhiigii iyo dheecaankiiba
dabku kala baxey kaliya aragtida ayaad cuneysaa wax kaaga hooseeyaan ma jirto.
cuntooyinka la shiilay laga yaabaa inay dhadhan fiican yihiin,
laakiin xaqiiqdii ma aha kuwo caafimaadka u wanaagsan. Cunada shiilan
sida baradho shiilka, saanbuuska, waxa laga helaa nafaqo aad u yar iyagoo
jidhkana gelinaya halis oo xaalado caafimaad daro oo gaar ah. Sidoo kale
saliida lagu shiilayo oo cunadii dhex gashaa waxay keenaysaa in ay isku
badaasho dux ku kaydsanta jidhka meelo ka mid ah sida caloosha iyo miskaha
dumarka hadaba duxdaa kaydsantay waxay keenta xanuunada cholestrol-ka oo
wadno xanuun hadhawna noqda iyo dhiig karka waayo xididadii dhiiga qaadayay bay
xaydh xidhaysaa.
Si kastaba ha ahaatee, maaha qasab in aad gebi ahaanba ka tagto si
aad u hesho cunto caafimaad leh laakiin aad yaraysato cunideeda sii ba
ramadaanta.
3. Cabitaanada maadada
kaafiinta (caffiene) la idhaa ku jirto: sida shaaha, bunka &
cabitaanada fudud sida kookaha ayaa laga helaa maadada Kaafayiinta. waa
maado kaadi badiye dabiici ah oo keenta in jidhka biyuhu hore uga baxaan
oo kaadi noqdaan taasina looma baahnaa madaama aad saacado badan sooman tahay
jidhku biyihii uu u baahna waa inuu lahaada oonu fuuq bax ku dhacin.
4. Cunada macaanka ama
sonkortu ku badan tahay: sida keega, jokolaatada, xalwada wax yaabaha mac
macaan ee cunada dabadeed la cuno sida labaniyada iyi budhinka ( pudding)
kuwaas oo halis u ah in jidhka ku keenaan xanuunada macaanka, wadne istaaga,
iyo faalijka. Sonkorta badan ee ku jirta cunada caadiga ah waxay ka badan
tahay xadigii loogu talogalay in qofku maalintii qaato taasi oo ka hor imanaysa
insulin-tii jidhka ku jirtay oo ah hormoon ka caawisa jidhka inuu
soonkortii dhiiga ku jirtay u badalo tamar markaa na jidhka ka lunto
awoodi uu ku maamuli lahaa sonkortii dhiiga ku jirtay waxaana qofkii ku dhacaya
macaanka loo yaqaan type 2 diabetes.
5. Cunada kulay ka badan leh: sida basbaas ka, filfisha iyo xawaashyada
Cunooyinka lagu badiyo basbaaska iyo wax yaabaha kulkulul waxay
keenaan laab jeex/dilaac kaas oo ku dhibaya inta aad soomantahay. Sidoo kale
xawaashyada xad dhaafka ah ee lagu daro cunooyinka aynu cunayno waxay keenaan
wadna xanuun marka wakhti dheer la isticmaalo sida xawaash haylka shaaha lagu
daro .
Comments
Post a Comment