Itqaan camal
qof wal oo inaga mid ahi haduu kaalintiisa buuxiyo hormar baynu gaadhi lahayn oon isku dayasho iyo iska daba dhac wax loo samaynaynee ma dhaci karto inaynu wada qoraayo noqo wada aqooonyahan saynis noqono wada enginer noqono waa in aynu ugu yaraan hal shay ooynu ku wanaagsan nahay qabanaa si aynu shaygaas ugu fiicnaano wa waxa la idha itqaan al camal ama
Badankeenu habeen walba markaynu seexanayno waxbaynu niyada
ku wada haynaa hami ama hawl kaa dhantaalnayd oo waliba baahiyaha asaasiga aan
ahayn markaas baynu u murugoonaa markuu waago baryo se intaynu isku maqan nahay
een moodayno inay wax inaga maqan yihiin inagoo waliba nolosha nacnay nafta
meel dhignay kuna yaayuulayna dhib baa I haysata waxbaa igu habsaday waxa jira
qaar badan oo inaga mida oo la daala dhacaya quutal daruurigii maxaad cuni ama
caruurtaad siin, qaarna a ildaran
caafimad la’aan ama caqli buuxana aan haysan hadana kaa farxad badan kaa
mahadnaq badan waliba ogow intaad haysatid midna ma haystaab adan rabigooga raxmaanka
ah marnaba kamay quusan halkaad aduu naftan ba nacday, waxa meesha taal qofkii
kaalmayn lahaa ama kaalin galin kuweena dhibani waa adiga haa waa adiga waa
inaga waa kuweenan yaayuul iyo yuuska la soo taagan adigoo wax badan haysta
oonay haysan raxmaanku uma waayin laakin wa ala isku keen eegayaa inta
garanaysa ee mugdiga iyo murugada dhabta ahi u muuqata way yar yihiin maba yara
waa se faro ku tiris waa kaw iyo laba inaynu odhan karno waa in qalbigoodu
qoyan yahay caqligooduna fayow yahay oo fidnoomyin badan iska dhaga tiray oo
faydan kaalmaynta kuwooga baahan alleh ha ina garan siiyo xaqa iyo kaalinta uu
qof walba buuxin karo haduu si haboon u fikiro wuxuu ku wanaagsan yahayna ku dedaalo.
Comments
Post a Comment