Saamaynta Baraha bulshada
Wakhtigu waa wax aan soo noqon haduu ku dhaafo, wakhtigu waa waxa ugu fudud eenad dareemin goor uu ku dhaafay iyo wuxuu kugu dhaafay waliba wakhtigaaga aanad wax anfac leh ku qaban. Wakhtigaasi hadaanad sida ugu haboon uga faa’idaysan waxaad ka qamoomayn mar u ku dhaafay uun. Wakhtigu waa waxay dadku ku kala horemareen waa wakhtiga iyo kolba siday uga faa’idaysteen eey u kala maareeyaan. Hadaba wakhtigaas sidaas u qaaliga ah baynu ku qaadana inaynu ku lumino waxaan if iyo aakhiro toona anfac inoo lahayn ooy ugu horayso baraha bulshadu ku kulanto ood moodo inay badashay maqaaxiyihii iyo qolqoladii la fadhiisan jiray ee sheekada gawdaa lagu hayn jiray, si hadii loo eego qolqolkii jaarka iskugu imanayeen ee la iska war hayay iyo dadkii jaarka isku xidhnaa ba meeshii ka baxay oo maanta dhalintii jaarkee istaaqanay iyo dadkii isku xidhnaa way sii yaraanaysa sidoo kale maqaaxidii qofkii u baxayay ee in uun hawo gadis iyo jimicsi ba u ahayd tanaa badashay oo in badani halkay saaka ka too...